Ergooyin u codeeyey xildhibaano oo la siiyey jeeg lacag oo bug ah (Labo magaalo ayay ka dhacday)

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo naga soo gaaraya magaalooyinka Jowhar iyo Cadaado ayaa sheegaya in Xildhibaanada labada Aqal ee halkaasi lagu doortay ay Ergooyinka dooranaayay siiyeen Jeegaga lacagaha looga qaato Bangiyada iyo Xawaaladaha oo been abuur ah.

Musharaxiinta oo aan qaarkood heysan dhaqaale ay kaga gudbikaraan Doorashada ayaa la imaaday taatikadaasi, waxa ayna Ergooyinka u qeybiyeen Jeegag feeg ah oo aan ka shaqeyneynin dhanka Bangiyada iyo Xawaaladaha ku yaalla magaalada Muqdisho.

Jeegag Lacageedka been abuurka ah oo ay bixiyeen Musharaxiinta ayaa waxaa laga diiday dhammaan Bangiyada iyo Xawaaladaha kadib markii la xaqiijiyay inay yihiin kuwo feeg ah oo aan sax aheyn.

Ergooyinka lasiiyay Jeegag Lacageedka been abuurka ah ayaa waxaa baryahaani lagu arkaayay iyagoo feelal dhaadher ugu jira Xarumaha Bangiyada iyo Xawaaladaha lacagta bixiya.

Jeegag Lacageedka been abuurka ah ayaa waxa ay Musharaxiinta la dooranaayay ka sameysteen sida Bangiyadda Premier Bank, Salaama Bank iyo Dahabshiil Bank oo xarumo ku leh magaalada Muqdisho.

Ergooyinka ayaa ka cabanayey Jeegaga been Abuurka ee lagu soo khiyaanay iyo Lacag-xisaabeedyadda Account-yadda ay ka dhamaadeen Lacagaha Musharixiinta horey ugu jiray.

Sidoo kale, Jeegagaasi ayaa la soo qoray xilli ay waqti kooban ka harsanaayeen si ay Ergooyinka u codeeyaan Musharixiinta la dooranayey.

Magaalooyinka Jowhar iyo Cadaado ayaa waxaa ka socda Doorashooyinka ugu khiyaanada badan ee lagu soo dooranaayo Xildhibaanada Aqalka Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com