24.9 C
Mogadishu
Wednesday, January 14, 2026

Maxaadan ogeyn oo maanta ka dhacaya Gaalkacyo + Galmudug iyo Puntland oo..

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa qaatay go’aan dadka magaalada Gaalkacyo la dhaceen, kaasi oo dhigaya in dadkii magaalada ka barakacay lagu soo celiyaa magaalada.

Gudoomiyaasha labada maamul ayaa maanta la filayaa iney magaalada lug ku dhex maraan, iyaga oo cadeyn kaga dhigaya in dib loo furay isku socodka iyo isdhexgalka bulshada magaalada Gaalkacyo.

Gudoomiyaha gobolka Mudug ee dhanka Puntland Mr Abgaalow oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay iney maamuladooda qaateen go’aan dadka farxad gelin kara.

Wuxuu sheegay in laga shaqeynayo sidii markale aan loo joojin laheyn isdhexgalka bulshada iyo dhaqdhaqaaqa ganacsi ee magaalada Gaalkacyo.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in dadka kunool Gaalkacyo ay tashanayaan ,islamarkaana ka shaqeynayaan sidii dadka kunool Gaalkacyo ay u heli lahaayeen Nabad buuxda.

Waxaa uu sidoo kale xusay in ay Wacgelin ay  u sameyn doonaan Bulshada kunool Magaalada Gaalkacyo.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News