27.5 C
Mogadishu
Sunday, June 14, 2026

Doorashada ugu adag beesha Daa’uud oo maanta dhaceysa iyo C/llaahi Sheekh oo laga saaray

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in maanta magaaladaasi ka dhaceyso doorashada ugu adag ee beesha Daa’uud.

Doorashada maanta ayaa ah mid adag walow laga saaray Cabdulaahi Sheikh Xasan oo kasoo jeeda beeshaasi, walow laf ahaan looga reebay doorashada.

Isqab qabsi muddo badan ka taagnaa jufada sida gaarka ah u qaadaneyso kursigan ayaa u muuqda in la xaliyay, waxaana musharaxnimada laga saaray Cabdulaahi Sheikh Xasan oo kasoo jeedo jufada beesha Daa’uud ee heshay xubinta aqalka sare.

Sidaasi daraadeed ayaa la go’aamiyay in isla jufada aysan heli karin xildhibaanimada aqalka hoose ee baarlamaanka.

Cabdulaahi Sheikh Xasan wuxuu sheegay in marnaba uusan ka baxeynin tartarnimada , maadaama kursiga uu helay Muuse Suudi Yalaxow uu yahay mid kusoo aaday beelaha wacbuudhan oo laftiisa uusan kusoo aadin.

Labada Musharax ee maanta tartameyso ayaa waxaa mid ka mid ah doonaya Dam Jadiid, waxaana xalay magaalada tagat masuuliyiin maamulka gobolka Banaadir uu diray kuwaasi oo laag badan geeyay magaalada Jowhar.

Caasimada Online
Xafiiska HirShabeele
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News