Gaalkacyo (Caasimada Online) – Qaar kamid ah masuuliyiinta maamulka Puntland ayaa waxaa ku bilaabanaya baaritaan, kadib markii dambiyo lagu eedeeyay.
Maxamuud Xasan Cusmaan, oo ah xeer ilaaliyaha guud ee Puntland ayaa sheegay iney baaritaan ku sameynayaan masuuliyiinta maamulka Puntland qaarkood.
Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay iney baaritaanka uu ka dambeeyay kadib markii la helay xogo ah in xabsiyada Puntland qaarkood laga sii daayay rag la xukumay.
Wuxuu sheegay sheegay xeer ilaaliyaha iney baaritaanka sameynayaan haddii ay cadaada dambiyada lagu eedeeyay shaqsiyaadka qaarna maxkamad lasoo taagi doono.
“Waan maqalnay in mas’uuliyiin Puntland ah ay maxaabiis si sharci darro ah kusii daayeen, haddii ay cabasho ka yihiin xukunka la ridey waxay ahayd iney racfaan ka qaataan, balse baaritaan baa socda waana la isla xisaabtami doonaa” ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha.
Maxaabiis badan oo xukunno kala duwan ay ku rideen maxkamada Puntland ayaa marar badan si sharci darro ah looga saarey xabsiyada, waxaana arrintaasi lagu eedeeyey iney ka dambeeyeen xubno xilal u haya maamulkaasi.
Caasimada Online
Xafiiska Mudug
[email protected]

