28 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

DF iyo maamul goboleedyada dalka oo goordhow shir uga furmi doona Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow lagu wadaa in magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia uu ka furmo shir u dhexeeya Wasaarada Arrimaha gudaha DFS iyo Wasiirada Arrimaha gudaha maamul Goboleedyada dalka.

Shirka ayaa waxaa shir Guddoomin doona Wasiirka Arrimaha gudaha Xukuumada Somalia C/raxman Maxamed Xusein (Odawaa) waxaana ku dhan dhammaan Wasiirada Arrimaha gudaha maamul Goboleedyada oo soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wasiir Odawaa ayaa xaqiijiyay in magaalada Muqdisho ay soo gaaren Wasiirada waxa uuna sheegay in shirka looga hadli doono Arrimaha maamulada dalka.

Shirka inta uu socdo ayaa waxaa looga hadli doonaa xoojinta xiriirka Wasaaradaha, Amniga, waxaana lagu wadaa in shirka leysla gaaro ilaa Talaadada.

Shirka ayaa waxaa khudbado kala duwan ka jeedin doona Wasiirada Arrimaha Gudaha maamulada dalka ee iminka ku sugan magaalada Muqdisho.

Dowlada Somalia ayaa dadaal dheer ugu jirta wada shaqeyn dhexmarta maamulada dalka si looga hortago caqabado mar kale ku imaada Doorashooyinka dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News