Anigoo ah Nabadoonada beesha reer Siyaad Xuseen Nabadoon Cabdi Adan Cabdille iyo Nabadoon Axmed Cabdi Nuure Xuubeey waxaan jecelnahay inaan halkaan ugu soo gudbino fariin muhiim ah umadda Soomaaliyeed, guddiyada doorashooyinka iyo beel weynta Sade sida aan u arragno dooda ka taagneyd kursiga Waaxda Ilmo Adeeero oo ay si aan sax aheyn warar uga faafiyeen walaalaheen Celi.
Sida lawada ogyahay beesha Sade waxay kala dagtaa Gedo iyo Galgaduud waxaana labada deegaan ka jira dhaqan iyo hab wax qeybsi, gaar ahaan Mareexaan Galgaduud wuxuu leeyahay hab wax qeybsi oo lagu magacaabo afar waaxood waana hab aan ku dhisneyn sida loo wada dhashay balse ku dhisan beelo la isku raaciyey awood qeybsiga iyo wadaaga wax kasta oo soo dhex mara beelahaas waxaana beeshu habkaan ku dhaqmeysay in kabadan sideetan sano.
Nadaamka afar waaxoodka oo ah habka kaliya ee ay isla ogolyihiin beelaha mareexaan Galgaduud ayaa beeluhu waxay isku raacaan sidatan mana ahan sidey dhalasho ahaan isku xiggaan.
Waaxda Bahh Ogaadeen
1 Reer Dalal
2 Reer Xirsi
3 Reer Maxamud Guled
4 Habar Ciise
5 Hawraarsame
6 Reer Sharmarke Rooble
Waaxda Ilmo Adeeero
1 Reer Siyaad Xuseen
2 Celi
3 Reer Cismaan
4 Urmidug
Waaxda Bah Hawiye
1 Bahdarandoole
2 Bah Xawaadla
3 Reer Guled Farax
4 Cali Dhere
5 Bah Habaskuul
Waaxda Wagardhac
Reer Wardheere
Reer Gadiid
Cumar Dheer
Reer Alamagan
Reer Afweyne
Lixaad
Habka afar waaxoodka ee aan kor ku qeexnay ayaa saldhig u ah awood qeybsiga siyaasadeed ee Beesha Sade Galgaduud waxaana marqaati u ah arrimaha soo socda.
1-Qaramadda Midoobey waxay Golle Maamul ka dhistay Soomaliya 1993 -1995 waxaana deeganada mareexaan Galgaduud lagu saleeyey afar waaxood oo ay reer Siyaad Xuseen iyo Celi qeyb ahaan isku raacaan.
2 -Shirkii Carta waxaa mareexaan Galgaduud ka helay afar kursi oo gollaha shacabka ah waxaana lagu saleeyey afarta waaxood waxaana waaxda Ilmo Adeero oo ay kuwada jiraan Celi iyo Reer Siyaad Xuseen kusoo aadey kursi waxaana kursigaas markii la isku qabsadey loo xukumay reer Siyaad Xuseen waxaana nool qaar ka mida guddig gartaas xukumay, balse markii dambe waxgarad reer Siyaad Xuseen ayaa beesha Sade ka aqbalay Codsi ahaa in lagu sharfo janaraal Axmed Warsame oo markaa beeshu qadarinaysay.
Baarlamaanka GalMudug oo tusaale dhaw waxaa lagu qeybsadey 16 xildhibaan oo afarta waaxood ah reer Siyaad Xuseen iyo Celi waxay qeyb ahaan u heleen afar xildhibaan.
In Qeyb ahaan beesha Reer Siyaad Xuseen, Urmudug Celi iyo Reer Cismaan ay saami wadaagyihiin waa arrin cad oo aan wax marqaati ah u baahneyn balse waxaa isweydin mudan maxay Walaalaheen Celi u diidan yihiin xuquuqdaas la Wadaago waxaana xusid mudan in dhamaan sadexda kursi ee kale la waafajiyey habka afar waaxood ka ergo ahaan iyo musharaxiintiisaba.
Waxaan u aragnaa in ay u diidan yihiin arrimo dhawr ah oo ugu muhiim santahay kursiga oo dhawr goor ay ku fariisteen taasoo galinsiisay inay inkiraan wixii beelaha kala dhexeeyey iyo inay garan waayeen sidii shalay beesha reer Siyaad Xuseen ugu tanaasushay in Janaraal Axmed Warsame la siiyo go’aankaas oo ay rideen Nabadoonada iyo siyaasiyiintii reer Siyaad Xuseen ee ka qeybgalay shirkii Carta.
Waxaan u aragnaa in ay u diidan yihiin arrimo dhawr ah oo ugu muhiim santahay kursiga oo dhawr goor ay ku fariisteen taasoo galinsiisay inay inkiraan wixii beelaha ka dhexeeyey iyo inay garan waayeen sidii shalay beesha reer Siyaad Xuseen ugu tanaasushay in Janaraal Axmed Warsame la siiyo go’aankaas oo uu ridey Nabadoonada iyo siyaasiyiintii reer Siyaad Xuseen ee ka qeybgalay shirkii Carta.
Sidoo kale waxaa beesha reer Siyaad Xuseen isku day day in arrintaa si walaalnimo ah looga heshiiyo balse waxaa ku gacansayray beesha Celi oo ay horboodayaan shaqsiyaad kursi jaceyl dhaafiyey wixii lakala mudnaa meel kastana ku faafinaya been ah in la dhacayo kursi ay leeyihiin beel kale loo dhacayo taasoo ah arrin xaqiiqda iyo runta la fog macnaheeduna yahay hashu ayadaa geedka cuneysa cabaadaysana.
Waxay kale oo walaalaheen Celi diideen talo soo jeedintii guddi Mareexaan oo arrintaa ka tala bixiyey una soo jeediyey Beesha Celi inay tartaman ergadana qeybtooda qaataan waase ku gacanseyreen tallo soo jeedintii waxgarad ka beesha Sade.
Sidoo kale walaalaheen markii talo kasto oo lagu xalin lahaa kala duwanaanshaha noo dhaxeeye ayey waxay bilaabeen in ay qof kasta eedeeyaan sida ay u eedeyeen maamulka GalMudug oo soo jeediyey in beeluhu soo heshiiyaan taasoo ay ku gacanseyreen.
Sidaa Darteed waxaan Cadeyneynaa cide diidan dhaqankii soo jireenka ahaa ee wax qaybsiga, cida diiday soo jeedintii waxa garadka beesha Mareexaan doonayana sadbursi iyo in ay kaligood qaataan kursi ka dhexeeya afar jifo inay yihiin walaalaheen oo gardaro damac aan sax aheyn isku raacay.
Beesha reer Siyaad Xuseen waxay u aragtay kursiga inuu ahaa waqtigii tookeysiga reer Siyaad Xuseen bay waxay ogolaatay in ay ergo yeeshaan tartankan ka qaybgalaan si looga fogaado in hal qolo is laheysiiso kursiga.
Ugu danbeyntii waxen xal u aragnaa in la hirgaliyo tala soo jeedintii wax garadka Beesha Mareexaan oo cadeeyay in kursiga lawada leeyahay loona wada tartamo, sidoo kale waxaa gardaro u aragnaa in ayadoo dhabta laga cararayo la eedeeyo dad kale oo aan qeyb ka aheyn muranku kursiga waaxda Ilmo Adeero.
Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com