Xildhibaan Cabdi-saabir Nuur Shuuriye ayaa maanta deeq daawo ah gaarsiiyay Isbitaalka weyn ee degmada Cadaado ee Xarunta Maamul goboleedka Galmudug, waxaana deeqdan si weyn uga mahadceliyay maamulka Isbitaalka oo sheegay in baahi weyn ay u qabeen Daawadan.
Munaasabad ka dhacday xarunta Isbitaalka ee Cadaado ayuu maamulka Isbitaalka kula wareejiyay deeqdan Daawada ah ee uu u gartay Bukaanada ku jira Isbitaalka, isaga oo sidoo kalena booqday dhamaamba Bukaanadii kala duwanaa ee jiifay Isbitaalka.
“Sidaad la socotaan xilka xildhibaanimo ee la ii doortay ma aheyn inaan iskala seexdo, ee waxay dadku iga filayeen inaan wax qabad muuqda la imaado, waana talaabadeydii ugu horeysay ee aan ku hirgelinayo ballan qaadyadii aan sameeyey intii aan ku jiray ololaha xildhibaanimo, waxaana ballan qaadayaa inaan shacabkeyga ee aan matalo caawiyo intii karaankeyga ah” ayuu yiri xildhibaan Saabir.
Dhanka kale, xildhibaanka ayaa baaq u jeediyay hay´addaha caafimaadka isaga oo ugu baaqay inay caawiyaan Isbitaalka oo ay heysato daawo yari aad u xoogan, isla markaana ay jiifaan dad aad u tiro badan oo bukaano ah.
Xildhibaan Cabdi-saabir Nuur Shuuriye ayaa xilkan loo doortay labo cisho ka hor kadib doorasho ka dhacday hoolka shirarka ee magaalada Cadaado, taasoo cod caqlabiyad leh lagu doortay.
HALKAN KA DAAWO SAWIRADA:







