28.1 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Guddomiye kuxigeenka BF oo ka mid noqday baarlamaanka cusub

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa wali magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ka socda Doorashada Aqalka Hoose ee Beelaha Banaadiriga.

Doorashada oo xiisa gaara leh ayaa waxaa ku loolamaaya Siyaasiyiin kala duwan oo qaarkood ka tirsanaa Baarlamaanka uu wakhtigiisu dhamaaday.

Doorashada socta ayaa waxaa kusoo baxay Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka uu wakhtiga ka dhamaaday Jeylaani Nuur iikar oo helay 28 Cod.

Jeylaani Nuur iikar ayaa ka guuleystay Musharaxa C/casiis Cusmaan oo helay 23 Cod.

Doorashada ayaa waxaa isugu haray xubno dhowr ah oo qaarkood ka tirsanaa Baarlamaanka dhacay, halka qaarna ay yihiin kuwo Siyaasada ku cusub.

Doorashada ayaa halkeeda kasii socon doonta maalinta beri ah, waxaana heer gabagabo mareysa Doorashada Beelaha Banaadiriga.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News