27.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Xog: Xildhibaanada is-beddel doonka oo sii kordhaya (Walaac soo food saaray madaxtooyada)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada labada aqal ee kasoo horjeeda dib u doorashada Madaxweynaha waqtigiisa dhamaadey Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo kordhaya, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale u sheegay Caasimada Online in xildhibaanadii Damjadiid ay soo saartay iyada oo weli aan la qaadan kaararkii aqoonsiga xildhibaanada ay qaar badan go’aansadeen inay isaga baxaan oo ay ku biiraan isbedel doonka.

Xildhibaanada la doortay ilaa iyo hadda ayaa intooda badan waxa ay noqdeen kuwa u diyaar ah in isbedel dhab ah dalka uu ka daco islamarkaana aan fursad kale la siin kooxda madaxtooyada oo afartii sano ka dhammaan weysey isqab-qabsi iyo horey u socod la’aan dhanka nidaamka dowliga ah.

“Waan ku qasbanaa inaan ku biro kooxda madaxtooyada si aan usoo baxo, waad aragtay sida loola dhaqmay kuwii kasoo horjeeday, balse mar haddaan xildhibaan noqday ma qasbani” Waxaa yiri xildhibaan cusub oo la hadlay Caasimada Online.

Damjadiid ayaa iminka ka walaacsan xildhibaana culus oo abaabulkooda ay yaqaanan oo ay is hortaagi waayeen, kuwaasi oo durba bilaabay kala furfurka xildhibaanada ay macquulka tahay in lagu qanciyo in dalku badbaada u baahan yahay oo ay tahay in afka ciida loo daro kooxda madaxtooyada ka talisa maanta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News