24.4 C
Mogadishu
Thursday, January 15, 2026

Xog: Xasan oo xalay lacagtii ugu horreysay u qeybiyey xildhibaano (Imisa?)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ayaa waxaa xalay ka dhacay kulan gaar ah oo dhex maray Xasan Sheekh iyo xildhibaanada labada aqal ee laga soo doortay Jubaland.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online in Xildhibaan kasta oo uu Xasan arko uu kala hadlay dib u doorashadiisa, isaga oo lacagtii ugu horeysey ee Laaluush ahaan uu u bixiyey siiyey xildhibaanada Jubaland.

Xubno ka tirsan maamulka Jubaland ayaa sheegay in talaabada Xasan ay timid kadib markii uu ka naxay kulamadii ay la yeesheen CC Sharma’arke iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo labaduba musharaxiin la ah.

Lacagta sooryada uu ugu yeerey Xasan ayaa lagu sheegay 5 kun oo dollar oo la siiyey xildhibaan kasta, taasi oo la yaab ku noqotay xildhibaanada qaar oo is lahaa kabadan ayuu idin siin doonnaa.

Si kastaba, lacagta Xasan uu bixiyey iyo wax u dhow ayaa la sheegay in xitaa aysan hal cod siin doonin, ayada oo la qiyaasato in halkii cod ee xildhibaan uu doorashadan gaari dooni 50,000.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News