27.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

CC iyo CC Shakuur ma aqbali doonaan is-daba marinta ka dhacday Xamar?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa jirta isdaba marin lagu sameeyay goobta iyo ergada dooraneysa xildhibaanada labada aqal ee maamulka Somaliland matalaysa.

Doorashada xildhibanadaasi ayaa lagu hishiiyay in lagu qabtaa xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, waxaana qorshahaasi afduubay dowlada Xasan Sheikh.

Ciidamo hubeysan ayaa lagu xiray dhamaan waddooyinka gala xerada gaadiidka ciidamada booliska, waxaana halkaasi la geeyay ergada dooraneysa xildhibaanada labada aqal ee gobolada waqooyi.

Cumar C.rashiid iyo C.raxmaan Cabdi Shakuur ayaa hadalo ay soo saareen waxay si cad ugu sheegeen ineysan aqbali dooni oo xildhibaano aysan u aqoonsan doonin xildhibaanada lagu doortaa xerada gaadiidka booliska.

Waxaa muuqata in la dhinac maray hishiiska odayaasha dhaqanka, Qm iyo wakiilada qaar ee beesha caalamka, kaasi oo ahaa talo soo jeedinta odayaasha waqooyiga Soomaaliya oo ahaa in doorashada ka dhacdo xarunta Xalane.

Waxaa la isweydiinayaa in labada musharax ee aan soo sheegnay ay aqbali doonaan xildhibaanada maadaama labadooda kaliya ay naqdiyeen qorshaha Xasan Sheikh ee ah in xildhibaano uu doonayo lagu soo doortaa xerada Gaadiidka booliska.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News