Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud ayaa isaga oo shalay Kismaayo kula hadlayey 45 xubnood oo isugu jira Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya u matalaya Maamulka Jubba & Qaar ka mid ah Aqalka Odayaasha.
Wuxuu sheegay in waxqabadka Dowladdiisa taariikhda u galay ee lagu xasuusto muddadii ay jirtay ka mid tahay soo celinta dhulal & safaarado Dowladdii Soomaaliya ay ku laheyd dalalka Mareykanka, Biljamka & Kenya, waxaanna Madaxweynuhu uu si toos ah u sheegay in ay ku guuleysteen in safaaradahaasi oo hali sugu jiray in la la wareego ay ku soo celiyeen gacanta Dowladda Soomaaliya.
Inkastoo ay jiri karaan shaqooyin waxtar u leh dalka & dadka Soomaaliyeed oo ay qabatay Dowladdihii uu horkacayey Madaxweyne Xassan Shiikh, haddana dad badan ayaa la yaab u arkay in Madaxweynuhu meel fagaare ah uu ka sheego guulo been abuur ah oo ku xoojinayo ololihiisa.
“Xilliga dib loo soo celiyey safaaradihii ay Soomaaliya ku laheyd Nairobi [Kenya] & Brussels [Belgie] Madaxweyne Xassan Shiikh dalka madaxweyne kama aheyn. Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) ayeey diiwaanka ugu qoran tahay inuu hormuud u ahaa dadkii soo celiyey dhulkii safaaradda Soomaaliya ay ku laheyd Nairobi, xilliga dhulkaasi la soo celinayey oo ku beegneyd 2010 waxaa dalka Madaxweyne ka ahaa Shiikh Shariif, in Madaxweyne Xassan Shiikh uu sheegto in guulaha Dowladdiisu ay gaartay ay ka mid aheyd soo celinta dhulkaas waxeey muujineysaa qaladaadka beenta u badan ee ka soo yeera mar walba madaxdeena. Haddii beenta intaas la’eg ay ka soo yeeri laheyd Madaxweyne Yurub ah wuxuu ku waayi lahaa xilkiisa, laakiin taas oo kale Soomaaliya oo kaliya ayeey ka dhacdaa” Ayuu yiri mas’uul qunsul hore ka soo noqday safaaradda Soomaaliya oo magaciisa ka gaabsaday, wuxuuna intaasi ku daray in madaxweyne Xassan Shiikh ay tahay in uusan sheegan libin ay leeyihiin dad kale.
Dhinaca kale, Dad yar oo Soomaali ah ayaa ka war-haya in Dhulal isugu jira dhisme safaaradeed & guryo ay Dowladdii Soomaaliya ku laheyd dalka Belgium, oo uu ka mid yahay dhismaha ay hadda ku shaqeyso safaaradda Soomaaliya ee Brussels oo ku yaal wado Istaraatiiji ah, in dhulkaasi uu badbaadiyey Axmed Warsame oo ka mid ah howl-wadeenada safaarada muddo ba badan 40 sanno.
Markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya horraantii 1991-dii, waxaa soo kordhay dad isugu jira Soomaali & ajnabi ah doonayey in ay dukumintiyo been abuur ah ku xalaaleystaan dhulalkii ay Soomaaliya ku laheyd dalka Biljamka, waxaanna dadka watay dukumintiyada been abuurka ah oo ay ku jireen dad caan ah gaashaanka u duruurtay Axmed Warsame oo meel kasta ka difaacay, isaga oo maxkamado dhowr ah kaga guuleystay shirkado & shaqsiyaad doonayey ina ay iibsadaan dhulkaas.
Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]





