Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa weerar afka ah ku qaaday dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka, isaga oo difaacaya madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump.
Xasan Sheekh waxa uu sheegay in Donald Trump uusan waxba ka sheegin dadka Soomaaliyeed.
“Donald Trump dadka uu wax ka sheegay horta ma ahan Soomaali (Soomaalida Mareykanka), waa dad Mareykan ah, Trump waxba kama sheegin dadka Soomaaliyeed ee Soomaaliya ku nool” ayuu yiri Xasan Sheekh.
Waxaa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka in ay yihiin dad heysta dhalashada dalkaasi ayna la mid yihiin bulshooyinka kale ee Mareykanka sida Madowga iyo dadka Latin-ka ama Hispanic loo yaqaan.
Hadalka Xasan Sheekh ayaa la macno ah in dhammaan Soomaalida Mareykanka ku nool uu ka saaray Soomaalinimada.
Hadalka Xasan Sheekh ayaa muujinaya aqoondarrada haysata. Soomaalida ku nool Mareykanka ma wada ahan Mareykan. Waxaa ku jira dad haysta kaliya degenaansho oo aan weli noqon Mareykan ama qaadan dhalashada dalkaas.
Madaxweynaha Cusub ee dowladda Mareykanka ayaa horay ugu tilmaamay dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka in ay yihiin argagixiso culees badan kusoo kordhiyey Mareykanka.
Hoos ka dhageyso hadalka Xasan Sheekh
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

