29.4 C
Mogadishu
Sunday, April 19, 2026

Awoodda Puntland: Maxaad kala socotaa sababta ay u baaqatay doorashadii gobollada Waqooyi

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta lagu waday in magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, ay ka dhacdo doorashada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi.

Dib u dhac kale ayaa maanta ku yimid Doorashada xubnaha Aqalka sare ee Baarlamaanka ee ka soo jeeda Somaliland.

Arrintan ayaa ka danbeysay kadib markii ay Guddiga Doorashooyinka sheegeen in Doorashada ay bilaaban doonaan doorashada Aqalka sare ee Somaliland, laakiin waxaa mar kale dib loogu dhigay cabasho iyo hanjabaad ka timid Puntland.

Shirka Madasha ee shalay ka furmay magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiim Cumar Camey ku soo bandhigay cabashada Puntland ee ku saabsan in xubno ay ka helaan xubnaha la siiyay Somaliland.

Kadib markii uu soo baxay go’aanka Guddiga Doorashada ayaa wafdiga PUntland si cad u sheegeen in haddii la bilaabo doorashada Aqalka sare ee Somaliland ay ka bixi doonaan shirka, isla markaana ay gebi ahaan qaadici doonaan Doorashada oo dhan.

Maanta ayaa la filayaa in beesha caalamka iyo madaxda Soomaalida waanwaan cusub la galaan wafdiga Puntland.

Waxaa muuqata in Puntland ay awood u sheeganeyso dowladda federaalka ah e soomaaliya.

 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News