Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Addis Ababa ee xarunta Dowlada Ethiopia ayaa sheegaya in halkaasi uu kulan khaas ah ku dhexmaray Ra’isul wasaaraha dalkaasi Hailemariam Deselegn iyo Madaxweynaha Somalia ee uu wakhtigiisu dhammaaday Xasan Sheekh.
Kulanka Hailemariam iyo Xasan Sheekh oo qaatay ku dhawaad 40 daqiiqo ayaa waxaa looga hadlay arrimaha doorashada Somalia, waxa uuna Hailemariam ballanqaaday in garab muuqda uu siin doono Xasan Sheekh.
Kulan oo wakhti yar qaatay ayuu Madaxweyne Xassan uga faa’iideystay waxaana lasoo warinayaa in Hailemariam uu Xassan Sheekh u dhigay ballan kale oo ay ku dhameysanayaan kulanka qabyada u ah, maadaama Addis Ababa ay ku sugan yihiin madax farabadan oo ka qeybgaleysa shir halkaasi ka dhacaaya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu halkaasi kulamo kala duwan kula qaatay Madax kale oo uu kala hadlay arrimihii gaarka ah, waxa uuna intooda badan usoo bandhigay inay ka caawiyaan doorashada Madaxtinimo ee 28ka Diseembar 2016 ka dhici doonta Somalia.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo magaalada Addis Ababa u gaaray ka qeybgalka shirka Madaxda IGAD, ayaa waxa uu haddana u guda galay arrimihiisa gaarka ah ee ku xeeran Doorashada Somalia.
Magaalada Addis Ababa ayaa waxaa lagu wadaa inuu ka furmo shirka Madaxda IGAD, waxaana halkaasi ku qulqulaaya madax farabadan oo Afrikaan ah.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]