27 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Yaa kusoo baxay doorashada xildhibaanada aqalka hoose ee Cadaado

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee maamulka Galmudug ayaa sheegaya in halkaais maanta ka dhacday doorashada xildhibaanada aqalka Hoose.

Doorashada maanta ayaa waxaa kusoo baxay wasiir ku xigeenkii hore ee warfaafinta Cabdi Shakuur Cali Mire.

Doorashada ayaa waxaa C/Shakuur Cali uu ugu guuleystay codad gaaraya 49 cod, halka musharaxa la tartamayay uu helay 2 cod kaliya.

Doorashada ayaa waxaay ka dhigeysaa in maamulka Galmudug uu soo gabo gabeeyay doorashada xildhibaanada labada aqal ee matalaysa Deegaanada Galmudug.

Sidoo kale maamulka HirShabeele ayaa u muuqda mid soo idleeyay doorashada xildhibaanada labada aqal.

Horey waxaa doorashada usoo dhameeyay maamulada Jubbaland iyo koofur Galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Galmudug
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News