25.9 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Michael Keating oo digniin culus u diray Madaxda Soomaalida

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Michael Keating ayaa ka hadlay Doorashooyinka Aqalka Hoose iyo tan Madaxweynaha Somalia ee dhawaan la filaayo inay ka dhacdo magaalada Muqdsho.

Michael Keating, ayaa sheegay in Beesha Caalamka ay aad uga xun tahay dib u dhacyada ku imaanaya Jadwalka Doorashada Somalia, waxa uuna sheegay inay muhiim tahay in la qadariyo Jadwalka ay Soomaalida gacantooda ku qorteen.

Michael Keating, waxa uu sheegay in loo baahan yahay in Madaxda Soomaalida ay la imaaday fulinta ballamaha ay qaadan, waxa uuna ka digay in dib u dhac danbe lagu sameeyo Doorashada Jadwalkeeda iminka la dajiyay.

Michael Keating, waxa uu ku taliyay in Madaxda Soomaalida ay ka dhabeeyan howlaha ay jadwalka u sameystaan waxa uuna nasiib darro ku tilmaamay in la baalmaro nidaamyada la dajiyo.

Waxa uu sidoo kale ku baaqay in Doorashada socda Aqalka Hoose iyo tan Madaxweynaha lagu qabto wakhtiga loogu tallo galay.
Michael Keating, waxa uu ka digay in la fududeysto Jadwalka cusub ee lagu dajiyay magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, waxa uu Madaxda Soomaalida uga digay in Doorashada Madaxweynaha cusub ay isku dayaaninay musuq-maasuqaan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

 

- Advertisement -

Read more

Local News