Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin kooban oo lagu soo daabacay Wargeysyada kasoo baxa dalka Mareykanka ayaa waxaa lagu shaaciyay in Dowlada Russia ay dhexbartanka kasoo gashay doorashada 2016 si ay uga caawiyaan Madaxweynaha la doortay ee Donald Trump inuu ku guuleysto Aqalka Cad.
Wargayska Washington Post ayaa sheegay in Hay’adaha sirdoonka ay aqoonsadeen shaqsiyaad lala xiriirinayo dowladda Ruushka kuwaas oo bixiyay kumanaan emailada la jabsaday ee Guddiga Qaranka ee Dimuqraadiga iyo kuwa kale.
Washington post ayaa aaminsan in Russia uu fara-galin ku sameeyay doorashada ,isaga oo Donald Trump ka taageeray in uu ku guulaysto doorashadii dhacday ,waxaana uu wargayka uu soo xigtay ilo aan la shaacin.
Xogtaani ay heliin Sirdoonka ayaa waxa ay timid kadib markii Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama uu laamaha sirdoonka amray in la baaro weerarro dhanka Internetka ah oo Washington lagu soo qaaday intii lagu guda-jiray doorashadii madaxtinimo ee la soo gaba-gabeeyay.
Wargaysyada kala ah New York Times iyo Washington post ayaa amarka madaxweynaha kadib sheegay in Ruushka uu Donald Trump ka caawiyay in uu ku guulaysto doorashadii la qabtay ,iyaga soo bandhigay xogo la xiriira arimahaas.
Sidoo kale, Saraakiisha ayaa ku tilmaamay shaqsiyaadkan kuwa ay aqoon u leedahay sirdoonka oo qeyb ka ahaa howlgal ballaaran oo Ruush si kor loogu qaado Trump iyo in la yareeyo fursada Clinton inay ku guuleysato doorashada.
Dhinaca kale, Xisbiga Jamhuuriga ayaa war ka soo baxay lagu sheegay in eedaymahan ay lamid yihiin hadaladii ahaa in Sadam Xusein uu haysto hubka wax bur-buriya ,isla markaana ay doorashadu ahayd mid si xalaal ah u dhacday.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]