25.4 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Gaas oo aflagaado iyo hanjabaad isugu daray Odayaasha Puntland

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa aflagaado iyo hanjabaad iskugu daray odayaasha dhaqanka ee kasoo jeeda deegaanada Puntland qaarkood.

C/Welli Gaas ayaa wuxuu aad u weeraray qaar kamid ah odayaasha dhaqanka Puntland ee kuraasta beelahooda kusoo aaday u diiday iney haween u tartamaan.

Wuxuu ku tilmaamay odayaasha iney ka qeylinayaan Taleefishinada iyaga oo cilaan kusoo saartay dhaqaalo ay haween Soomaaliyeed dibada kasoo direen, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan rabaa sidoo kale inaan wax yar ka iraahdo arrinta doorashada. Dabcan Puntland waxaa hadda dib uga bilowday doorashadii Aqalka Hoose, iyadoo la qoondeeyay qaybtii haweenka waxaan maqlayaa warar tiro badan oo dad ay leeyihiin gabdho ma rabno, waxay ila tahay waxaasi wax la aqbali karo maaha.” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

“Odayaasha ka hadlaya telefishinada ee meelaha ka nacnac leh, waxaa weeye waxay ku hadlayan sax maaha. Waa hubaa qaar badanoo ka mid ah boqol dollar oo gabari soo dirtay ayay ku nool yihiin. Marka boqolkoodii intuu xino/cilaan ku soo marsaday bannaanka soo istaago yiraahdo gabar ma aqbaleyno, ma yeeleyno, saxna maaha.”

Dhinaca kale C/Welli Gaas ayaa sheegay in 50% dadka ku nool deegaanada Puntland ay yihiin dumar, balse kursiga beeshiisa kusoo aaday ma uusan ka dhigin gabar.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News