Muqdisho (Caasmada Online)-Qaraxsi weyn looga maqlay magaalada inta badan Degmooyinka Gobolkla Banaadir, ayaa waxa uu goordhow ka dhacay Dekadda Weyn ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa oo laga soo buuxiyay Gaari ayaa waxaa lagu dhuftay Irida Dekada weyn ee Magaalada Muqdisho, waxaana lasoo warinayaa in halkaasi uu ka dhashay Khasaaro xoogan.
Qaraxa kadib ayaa waxaa halkaasi laga maaqlaayay rasaas xoogan oo ay ridayeen Ciidamada Dowlada kuwaasi oo ku sugan Dekadda Qaraxa lagu dhuftay.
Goobjoogayaal ayaa kusoo waramaaya in Qaraxa ay ku dhinteen ilaa 7 Ruux, halka dhaawacyo kala duwan uu kasoo gaaray dad tiradooda lagu sheegay 15 ruux.
Dadka dhintay ayaa waxaa u badnaa Xamaalato ka howlgala Dekadda iyo Ciidamo ka tirsan ilaalada Dekadda kuwaasi oo xiliga Qaraxa ku sugnaa afafka hore ee Dekadda.
Afafka hore ee Dekadda ayaa waxaa hordhooban Meydad iyo dhaawacyo farabadan, waxaana Meydadka badi ay yihiin kuwo aan wajigooda la aqoonsan karin, halka qaarna ay yihiin kuwo gogo’ay.
Qaraxaani aadka u xoogan ayaa waxa uu imaanayaa xili Qarax culus oo shalay ka dhacay Siinka Dheer ee duleedka Magaalada Muqdisho.
Caasmada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

