Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheerad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa weerar Ismiidaamin ah oo goordhow ka dhacay afafka hore ee Dekadda weyn magaalada Muqdisho.
Weerarka Ismiidaaminta ayaa waxaa loo adeegsaday Gaari nooca waaweyn oo loo yaqaan ”Dheeno” kaasi oo lagu baabi’iyay dad shacab ah oo horjoogay Dekadda.
Dadka ku dhintay Weerarka ayaa u badnaa Xamaalato hordhoobnaa Dekada, kuwaasi oo xiliga Qaraxa feel ugu jiray galitaanka Dekadda.
Dadka ku waxyeeloobmay Qaraxa ayaa isugu jira kuwo Gubtay, Kuwo qoorta ka go’ay iyo kuwo gabi ahaantooda gogo’ay.
Khasaaraha weerarka ka dhashay ayaa lasoo warinayaa inuu sii kordhay waxaana la xaqiijiyay in Khasaaraha dhimasho uu kor u dhaafayo 11, halka dhaawacana uu gaarayo ilaa 17 oo isugu jira Ciidamo iyo Xamaalato.


