Baydhabo (Caasimada Online)-Waxaa habeenimadii xalay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay xaflad casho sagootin ah loogu sameeyay xildhibaanada ka imaanaya deegaanada Koofur Galbeed.
XIldhibaanadan ayaa waxaa loo sameeyay meel ay ku wada xiriiraan, waxaana ujeedada laga leeyahay ay tahay in lala socdo dhaqdhaqaaqooda xiliga doorashada.
Sidoo kale xogaha aan ka helnay xildhibaanada qaar ayaa waxay inoo sheegay in arintan looga gol leeyahay in lagula socodsiiyaa xildhibaanada cidda ay u codeynayaan xiliga doorashada.
Afhayeenka baarlamaanka Koofur Galbeed oo xafladii xalay ka hadlay ayaa kula dardaarmay xildhibaanada koofur galbeed ka yimid iney gutaan waajibka loo xil saaray.
Bartamaha bishan December ayaa la filayaa in xildhibaanada maamul goboleedyada lagu soo doortay ay yeeshaan kulankoodii ugu horeeyay, waxaana ay Muqdisho soo gaarayaan ka hor hal maalin.
Hoos ka daawo sawirada