Garoowe (Caasimada Online) – Shir saacado badan qaatay oo looga hadlay xaaladda dalka iyo Doorashooyinka Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay Guriga C/raxmaan Faroole ee magaalada Garowe.
Shirkan waxaa qeyb ka ahaa Musharixiinta madaxweynaha ee kala ah Cabdiraxmaan Faroole, Raisal wasaare Cumar C/rashiid oo ay wehliaan Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas iyo Xildhibaan C/risaaq Cusmaan Jurrile.
Wararka laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegaya in shirka oo ahaa mid aanay saxaafadu joogin lagu soo qaaday xaaladda Doorashada dalka, iyadoo ay jirto cabsi ku saabsan xaaladda amniga Doorashada madaxweynaha ee la qorsheeyay inay Muqdisho ka dhacdo, waxaa kaloo looga hadlay danaha Puntland iyo sidii Beesha Harti gaar ahaan Majeerteen ugu midoobi lahaayeen musharax u soo dhiciya xilka madaxweynaha Soomaaliya.
Musharixiinta Beesha Majeerteen ee u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadda ka badan 10 musharax, waxaana ugu cadcad Cumar C/rashiid oo olole weyn ka wada Soomaaliya.
Wadahaladaan ayaa sidoo kale siyaasiyiinta isugu timid sida Madaxweynihii hore ee Puntland ahna Xildhibaan ka tirsan aqalka sare ee Somalia iyo Ra’isal wasarihii hoe ee Somalia ahna xubin ka tirsan aqalka sare waxey yihiin musharaxiin u tartamaya xilka Madaxweynaha Somalia kaasoo doorashadiisa la qabanayo dhamaadka Bisha December.
Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]