26.3 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Guddiga doorashada oo billaabay bixinta shadaadooyinka iyo xildhibaanadii muranka uu ka taagnaa oo…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Doorashooyinka dadban ee heer Federaal ayaa shaaca ka qaaday in la bilaabay bixinta shahaadooyinka iyo Aqoonsiyada Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Somalia.

Guddiga ayaa sheegay in la dhameystiray inta badan Doorashooyinka Aqalka Hoose, waxa uuna Guddiga tilmaamay in lama huraan ay tahay in la dadajiyo bixinta Shahaadooyinka iyo Aqoonsiyada ay isticmaali doonaan Xildhibaanada.

Guddiga ayaa sheegay in xildhibaanada la siinayo shahaadooyinka ay yihiin kuwa aan wax dacwad ah ka oolin, taas oo macanheedu yahay in xildhibaanada muranka ku jira aan la siin doonin shahaadooyinka xildhibaanimo.

Xildhibaanadan ayaa u badan kuwa raacsan madaxweyne Xasan Sheekh, mana cadda illaa hadda waxa laga yeelayo.

- Advertisement -

Read more

Local News