Cadaado (Caasimada Online) – Guddiga Doorashooyinka maamulka Galmudug ayaa digniin adag kasoo saaray in faragalin iyo carqaladeyn lagu sameeyo Kuraasta lagu doortay magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Galmudug.
Guddiga ayaa sheegay in Kuraasta Cadaado lagu doortay qaab cadaalad ah, isla markaana ay ka digayaan in Kuraasta lagu sameeyo faragalin.
Hadalkan ayaa yimid kadib markii guddiga doorashada federaalka ay Muqdisho kasoo saareen warqad ay ku sheegeen in aysan shahaadooyinka aqoonsi siin doonin xubnaha uu muranka ka taagan yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

