Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow naga soo gaaray Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo munaasabad u dhexeysa Madaxweynaha Somalia ee uu wakhtigiisu dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud iyo qaar kamid ah Xildhibaanada cusub ee dhawaan la doortay.
Munaasabada ayaa la sheegay inay tahay Isbarasho u dhexeysa Madaxweynaha iyo Xildhibaanada cusub, waxa ayna munaasabadu tahay mid uu dalbaday Xasan Sheekh.
Munaasabada ayaa waxaa goobjoog ka ah Mas’uuliyiin dhowr ah oo xilal kala duwan ka haya Dowlada, halka qaarna ay yihiin marti u badan Ganacsato caan ah.
Munaasabada ayaa waxaa Khudbad ka jeedinaaya Madaxweyne Xasan, waxa uuna dalbanayaa in Xildhibaanada ay siiyan kalsooni.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Xildhibaanada kasoo qeybgalay munaasabada u sameeyay Ballanqaadyo kala duwan waxa uuna cod dheer ku dalbanayaa in codka lasiiyo.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda ololo xoogan oo u dhexeeya Musharaxiinta ku loolameysa kursiga Madaxweyninimo ee Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

