27.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Akhriso: Beesha Caalamka oo Guddiga Xalinta Khilaafaadka ka dalbatay Cadeyn

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Michael Keating ayaa lagu sheegay in shir ay wakiilada beesha caalamka la yeesheen guddiga madaxa banaan ee xalinta khilaafaadka Doorashooyinka Somalia ay ka dalbadeen inay bixiyaan faahfaahin la xidhiidha diiwaanka kuraasta la sheegay in lagu muransan yahay oo ay gudidu soo celisay.

Qoraalka ayaa waxa uu si wada jir ah uga soo baxay, Midowga Afrika, Ethiopia, Midowga Yurub, IGAD ,Italy, Sweden, Ingariiska, iyo Mareykanka oo dhaliilsan qaabka Guddiga Xalinta Khilaafaadka ay kusoo xuleen 11-ka kursi oo ay laalen.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in gudiga looga fadhiyo sharaxaad la xiriirta jidkii loo maray laalida 11ka xubnood ee la joojiyay.

Qoraalka ayaa lagu sheegtay in hadii aan lagu darin kiisaska khilaafku ka taagnaa gaar ahaan kuwii murankoodu aadka u cuslaa ay boqon goynayso guud ahaanba habsami u socodkii doorashada.

Waxaa warqaddan loo kala diray Madaxwaynaha Dawladda federaalka ah ee Somalia, Gudoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisal wasaaraha iyo ku-xigeenkiisa iyo sidoo kale madaxwayne yaasha maamul goboleedyada Somalia ee kala ah Puntland, Jubaland, Koonfur-galbeed, Gal-mudug iyo Hir-shabeelle.

Michael Keating Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya oo kulan la qaatay Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dadban ee Dalka ayaa kala hadlay kuraasta 11-ka ah ee ay diideen Doorashadooda Guddiga Xalinta Khilaafaadka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News