Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia ee uu wakhtigiisu dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ka hadlay Doorashada Madaxweyninimo ee dhawaan la filaayo inay ka dhacdo magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in wali uu ku taagan yahay go’aankii ahaa Qabya tir, waxa uuna dalbaday in mar kale fursad loo siiyo inuu hogaamiyo dalka.
Madaxweyne Xasan waxa uu iska fogeeyay wararka sheegaya inuu ku xiran yahay garab gaara, waxa uuna cadeeyay inuu yahay Musharax ka madaxbanaan Xisbiyada ku caanbaxay ku dhexmilmida Siyaasada.
”Anigu hadda ma sheegin inaan ahay musharax ee xili hore ayaan ku dhawaaqay, waadna la soctaan in Doorashada 2016 ay soo martay wado dheer”
”Waxaan cadeynayaa inaan aheyn musharax garab gaara ka socda ee waxaan ahay mid madax-banaan”
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shegay in cadeymo iyo daliil u haayo in afartii sano ee la soo dhaafay u adeegay dadka Soomaaliyeed, sidaas darteedna uu rabo in fursad loo siiyo inuu u adeego umada Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan waxa uu codsaday in mar kale fursad loo siiyo, isagoo mar kale ka dhawaajiyay hal heyskii uu horay ka dhawaajiyay ee ahaa ”qabyo ninkeeda dhameystira”, oo ugala jeeday wixii qabyo ah uu rabo inuu dhameystirayo hadii uu mar kale guuleysto.
Haddalka Xasan Sheekh ayaa imaanaya xili inta badan dadku ay yihiin kuwo Xasan Sheekh ku dhaliila inuu yahay shaqsi lafdhabar u ah Kooxda Damul-Jadiid.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

