28 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

C/qaadir Cosoble oo shaaca ka qaaday jahwareerka heysta musharaxiinta iyo shacabka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo cadadka Musharaxiinta u tartameysa Kursiga Madaxweynaha ay sii kordhayaan ayaa waxaa arrintaasi kahadlay Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo ka mid ah Musharixiinta Madaxtinimadda dalka.

C/qaadir Cosoble oo dhawaan gadaal kaga soo biiray Musharaxiinta ayaa durbo dhaliil ka muujiyay tirada Musharaxiinta ee sii kordheysa, waxa uuna carrabka ku dhuftay in quus laga joogo qaabka Waddanka lagu hoggaaminayo.

Isagoo quuska taagan ka hadlaaya ayaa waxa uu yiri ”Siyaasiyiinta iyo Shacabka waxay dareen ka qabaan inuusan si wanaagsan ku soconin Geeddi-socodka dalka”

”Waxaa lumay sharafkii Musharaxnimada waxaa kasii daran oo quus laga taagan yahay qaabkii lagu hogaamin lahaa dalka cidba go’aan ayay la ordeysaa”

Cosoble waxa uu sheegay inay suuragal tahay in cadadka Musharaxiinta uusii kordho, wuxuuna tilmaamay in walaac uu ka muujinaayo qaabka ay wax u socdaan.

Waxa uu dhaliilay qaabka Guddiyada Doorashooyinka howsha lagu aaminay u wadaan waxa uuna meesha ka saaray inuu jiro maamul muuqda.

Haddalka Cosoble ayaa imaanaya iyadoo inta badan Siyaasiyiinta magaca leh ay ku dhawaaqen inay yihiin Musharax Madaxweyne.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News