Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta dalka Indonesian, ayaa si aad ah u baahineysa Sawirro laga soo qaaday Madaxweynaha Dalkaasi Joko Widodo oo la dhaqmaaya Masas uu isaga xanaaneysto.
Warbaahinta ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Indonesian Joko Widodo uu saaxiib la yahay Xeywaanaad dhowr ah oo u badan Masaska kuwaasi oo loogu xanaaneeyo Beerta xanaanada Xeywaanaadka ee dalkiisa.
Xeywaanaadka qaar ayaa waxaa la sheegay inuu ku dhex dheqdo Madaxtooyada dalka Indonesian, waxaana la tilmaamay in yaraantiisa uu ahaa mid la dhaqmi jiray Xeywaanaadka.
Sawirada qaar ayaa muujinaaya Madaxweynaha oo hortaagan Beerta isla markaana ay garbaha ka saaran yihiin Masas.


