Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha wakhtiga ka dhamaaday Xasan Sheikh Maxamuud ayaa bilaabay ololaha boor dhajinta musharaxnimadiisa.
Xasan Sheikh Maxamuud ayaa olalaha boor dhajintiisa ka fogeeyay madaxtooyada Soomaaliya dhexdeeda, isaga oo doonaya inaan loo arkin inuu madaxtooyada dhexdeeda olole ka wado.
Balse waxaa ka weyn howlaha qarsoon ee la xiriira ololahiisa ee uu ka dhex wado madaxtooyada Soomaaliya.
Waxaa kooxda qaabilsan olalahiisa ay bilaabeen iney boorar ku dhajiyaan meel aan madaxtooyada sidaasi kaga fogeyn.
Boorkiisa koowaad ee olalaha ayaa waxaa lagu dhajiyay goob uu kula kulmay inka badan 70 xildhibaan oo dhawaan lagu soo doortay deegaanada maamul goboleedyada.


