24.2 C
Mogadishu
Tuesday, January 13, 2026

Maxay aheyd ujeedada Boorsani uu ula kulmay xildhibaanada haweenka?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa xalay kulan la qaatay xildhibaanada haweenka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa kulankaasi ku micneeyay inuu ahaa mid looga gol lahaa isbarashada xildhibaanada haweenka iyo madaxda maamulka gobolka Banaadir.

Wuxuu xildhibaanada haweenka u sheegay in looga baahan yahay labo arimood oo kale ah:

1 Iney si cadaalad ah ugu shaqeeyaan bulshada Soomaaliyeed ee soo wakiilatay iyo

2 Iney soo dhiciyaan maqaamkii siyaasadeed ee gobolka Banaadir.

Qaar kamid ah xildhibaanada haweenka ah ee baarlamaanka ka tirsan ayaa dhankooda balanqaaday iney ka shaqeyn doonaan cadaalada.

Muddooyinkii ugu dambeeyay Yuusuf Xuseen Jimcaale Boorsaani ayaa kulamo la qaadanayay xildhibaanada laga soo doortay deegaanada maamul goboleedyada, waxaana soo baxaya inuu kala hadlayay fariin uu ka siday Xasan Sheikh Maxamuud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News