31.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Cabdi Jiinow oo weerar aan laga fileyn ku qaaday Xasan iyo afar ka mid ah…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee gobolka Shabeelaha DHexe Cabdi Jiinow Calasow ayaa si adag kaga hadlay doorashada sanadkaan ka dhaceyso Soomaaliya.

Cabdi Jiinow ayaa sheegay in hogaanka madasha la magac baxay ineysan laheyn awooda iyo go’aan qaadashada dalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in shan madaxweyne maamul goboleed iyo hogaanka federaalka Soomaaliya ineysan heysan sharciyad u ogolaaneyso iney kaligood go’aan Soomaalida u qaadaan.

“Waxaa la dhahaa Hal xaaraan ah nirig xalaal ah ma dhasho, Masiirka Soomaaliya cid gacan u gelisay shan madaxweyne goboleed iyo hoggaan Federaalka ma jirto, cid ay sharciyad uga heystaan ma jirto, waa ay maroorsadeen awoodii dalka”

“Maanta ma jirto awood kale oo baajin karta, nimankaan Beesha Caalamka iyagana waxay u fududeeyeen in masiirka umadda gacanta u geliyaan”ayuu yiri Cabdi Jiinow.

Go’aanka ay soo saaraan madaxda madasha ayuu ku sheegay inuu yahay mid ah dantooda ka eeganayaan kaliya, oo Soomaalida kale aysan wax dan ah ugu jirin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News