Marko (Caasimada Online) – Ciidamada AMISOM ayaa markale dhacdo xanuun badan ka geystay gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan degmada Marko.
Ciidamada AMISOM ayaa degmada Marko ku dilay hooyo Soomaaliyeed iyo afar caruur ah oo ay dhashay, kadib markii gaari ay ku jiireen “Dardarsiiyeen”.
Gudoomiyaha degmada Marko ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM falkaasi u geysteen si ku talo gal ah, xalayna ay ku hoydeen halkii dhibaatada ka dhacday.
Gudoomiyaha wuxuu sheegay in kiisaska ciidamada AMISOM geysanayaan kusoo laalaabteen magaalada Marko iyo guud ahaan deegaanada Shabeelaha Hoose.
Aabaha dhalay afarta caruurta ah oo lagu magacaabo Xaaji Abuukar Cali, ayaa isna xaqiijiyay in Xoogaga Amisom ay dileen hooyadii qoyska iyo afar carruur ah, oo ay isu dhalleen.
Caasimada Online
Xafiiska K/Galbeed
[email protected]

