28.1 C
Mogadishu
Thursday, January 22, 2026

Xasan oo diiday in liiska musuqa lagu daro xubnaha la doortay ee Villa Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka biyo diiday in Liiska xubnaha lagu doortay Musuq-maasuqa lagu daro dhowr xubnood oo ka howlgala Madaxtooyada Somalia.

Madaxweyne Xasan ayaa ka hor imaaday in Xubnahaasi lagu biiriyo Liiska 11-ka xubnood ee Guddiga Khilaafaadka ku eedeeyen codadka la musuqay.

Madaxweyne Xasan waxa uu sheegay in xubnaha ka tirsan Villa Somalia ee lagu soo kala doortay magaalooyinka Jowhar iyo Cadaado ay yihiin kuwo lagu doortay qaab cadaalad ah.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in loo baahan yahay in la aamino Guddiga xalinta Khilaafaadka waxa uuna ka hor imaaday Khilaafaadka ay abuurayaan Wakiilada Beesha Caalamka ee ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, Xubnaha ka howlgala Villa Somalia ee qaabka Musuqa lagu doortay ayaa waxaa kamid ah Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada iyo Agaasimaha Madaxtooyada Cali Balcad iyo Ku-xigeenkiisa Saadaq C/kariin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News