32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Yee yihiin musharaxiinta loogu talo-galay xujada cusub ee Madasha?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ku sugan inta badan musharaxiinta loolanka kula jira Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh, ama kuwa sheegta inay yihiin musharaxiin.

Dad badan, marka ay maqlaan musharax waxa ay sawirtaan dad dhaqaale badan haysta, taageero xooggan leh, islamarkaana degan hoteelo qaali ah oo lacag badan ay ku bixiyaan.

Inkasta oo qaar ka mid ah musharaxiinta ay sidaas yihiin, haddana musharaxiinta qaar ayaa waxaa lasoo warinayaa inaysan haysan dhaqaale ku filan oo ay deegaan ku yihiin Hoteelada ugu raqiisan magaalada ee dadka caadiga ah ay degaan, oo qaarkood lagu seexdo wax ka yar 20 dollar habeenkii.

Musharaxiinta noocan ah waa kuwa musharaxnimada aysan dhabta ka ahayn balse magaalada u jooga un magac raadis, ayaga oo dulsaar ku ah qaar ka mid ah ganacsatada Muqdisho ee ehelka la ah ama ku qabiilka ah.

Musharaxiintan ayaa sidoo kale ah inay yihiin kuwa aan heysan Dowlado ku garabsiiya Doorashada la filaayo inay dhacdo Bisha nagu soo fool leh ee sanadka cusub.

Dowladaha Qadar, Imaaraadka, Kuwait, Mareykanka, Ingiriiska, Kenya iyo Ethiopia, ayaa dhammaantood lacag ku bixinaya doorashada Soomaaliya ayaga oo kala taageeraya musharaxiinta.

Musharaxiinta aan astaamahooda kor ku xusnay ayaa ah kuwa ay xubnaha madasha doonayaan inaysan dadka waqtiga ka lumin.

Xubnaha madasha ayaa shalay isku raacay in musharax kasta laga doonayo:

1 – 30,000 oo dollar oo ah lacag diiwaan gelin ah
2 – Inuu haysto saxiixa 20 xildhibaan oo caddeynaya inay codkooda siin doonaan.

Caasimada Online ayaa ogaatay in shuruudaha ay isku raaceen xubnaha madasha ay daaqadda ka saari dooto musharaxiin badan oo iska daa 20 xildhibaan aan xitaaheli karin 10 xildhibaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News