Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha caalamka ayaa ugu hanjabeysa madaxda madasha qaran ee Soomaaliya inay ku dhaqaaqi doonto laba arrin, haddii aan loo hoggaansamin rabitaankeeda, sida ay ogaatay Caasimada Online.
Warar aanu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegaya in beesha caalamka ay ka fakareyso inay dacwad u gudbiso Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay si ay isugu yimaadaan shir degdeg ah oo ku saabsan Soomaaliya.
Shirkan ayaa beesha caalamka waxay dooneysaa in looga hadlo kuraasta la sheegay in la musuq maasuqay, islamarkaana ay qaadaan tallaabo haddii kooxaha Soomaalida ay ku guul darraysteen inay wax ka qabtaan kuraasta la sheegay in la musuqay.
Wararka ayaa sheegay in sidoo kale ay beesha caalamka ku hanjabayso in taageerada dhaqaale ee la siinayo dawladda Soomaaliya la yareeyo, ama gebi ahaan la jaro.
Beesha caalamka ayaa la sheegay inay aad uga soo horjeedaan in xaaladda musuq maasuq ah oo la mid ah tii dhacday sanandkii 2012 xilligan wax laga qaban waayo isla markaana horey loo sii socdo.
Hadalka beesha caalamka ayaa yimid xilli ay soo baxeen warar sheegaya in madaxda madasha Qaranka laaleen dhamaan wixii khilafaad ahaa ee ka taagnaa kuraasta lagu soo koobey 11 xubnood.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

