Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar lagu kalsoon yahay oo muujinaaya in tirro Musharaxiin ah ay Dacwad ka gudbiyeen Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid, Dacwadaasoo gaartay Beesha Caalamka.
Dacwada ay gudbiyeen Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxtinimo ayaa salka ku heysa Shirqoolo la xiriira Doorashada oo loo maleegay musharaxiinta miisaanka leh.
Dacwada ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah Hanjabaado ay Musharaxiintaasi kala kulmeen Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid, waxaana lasoo sheegayaa in Dacwada ay ka kooban tahay 11 warqad.
Dacwadaani ayaa la gudbiyay bilowga Asbuuca aan ku jirno, waxa ayna ku dhacday gacanta Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Somalia Micheal Keting.
Ujeedka laga leeyahay Dacwada ayaa ah in Beesha Caalamka la tuso in Cumar C/rashiid uu adeegsanaayo Awooda Qaranka isla markaana u goodiyay Musharaxiinta.
Geesta kale, Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid ayaa la kulmaaya caqabado dhowr ah, oo lagu cadaadinaayo inta ka harsan Doorashada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

