32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Sheekh Bashiir oo ka carooday arrin ka socota Garoowe

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa si adag uga hadlay Tartan Kubbada Kolleyga Gabdhaha Soomaaliyeed oo lagu wado in maanta uu ka furmo magaalada Garoowe.

Sheekh Bashiir ayaa sheegay inay aad uga walaacsan yihiin qaababka cusub ee loo fasahaadinaayo Gabdhaha Soomaalyeed, waxa uuna kadigay in maamulka Garoowe uu maanta qabto Tartankaasi lagu muujinaayo coorada Gabdhaha.

Sheekh Bashiir waxa uu tilmaamay in xaaran ay tahay in Gabdhaha Soomaaliyeed Cooradooda lagu soo bandhigo goobta lagu dheelayo Kubada Kolayga.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa sidoo kale sheegay Tartanka Kubadda Kolleyga ee maanta ka furmaya Magaalada Garowe in uu yahay mid khatar ku ah Diinta Islaamka iyo Akhlaaqda Qofka Muslimka ah.

Tartanka ayaa waxaa maanta lagu wadaa inay ka qeybgalaan Gabdho dhowr ah kuwaasi oo la sheegay inay yihiin kuwo da’yar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News