Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa inta badan magaalada Muqdisho soo gaaray Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweyninimo kuwaasi oo badankooda ka imaaday dalka dibadiisa.
Musharaxiinta iminka ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sameystay Isbaheysiyo iyaga u gaara, waxaana lasoo warinayaa in Isbaheysiyada dhisan ay yihiin kuwo ku qotoma qaabiilo is uruursaday.
Isbaheysiyada ololaha ka dhexwada magaalada Muqdisho ayaa waxaa kamid ah Isbaheysiga Beesha Daarood, oo ah Isbaheysi ay ku mideysan yihiin dhammaan Musharaxiinta Beeshaasi kasoo jeeda.
Musharaxiinta Isbaheysiga Beesha Daarood ayaa waxaa kamid ah kuwo miisaan ku dhex leh Siyaasada dalka waxaana hogaanka u haya Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.
Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid ayaa qudhiisa ku taamaya in Musharaxiinta Beesha uu ka dalbado tanaasul, waxa uuna ku doodayaa in codadka la heli doono uu aad u yaraan doono waa haddii aan tanaasul la sameyn.
Lama oga guusha iyo guuldarida soo foodsaari doonta Musharaxiinta Beesha Daarood ee iminka ololaha kawada magaalada Muqdisho.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

