25.9 C
Mogadishu
Friday, January 16, 2026

Xog: CC oo safiirka Imaaraadka kala kulmay arrin uusan fileyn

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno Siyaasiyiin ku dhow dhow Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid ayaa sheegaya inuu sii xumaanayo xiriirka u dhexeeyay Dowlada Imaaraadka iyo Cumar C/rashiid.

Xiriirka Imaaraadka iyo Cumar C/rashiid oo maalmihii danbe ahaa mid mugdi sii galaayay ayaa waxaa la xaqiijiyay inuu ka danbeeyay kadib markii Ra’isul wasaaraha uu dib uga laabtay qodobo uu horay ugu saxiixay Safiirka Imaaraadka Carabta ee Somalia Sheekh Maxamed Cismaan.

Kulan Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid iyo Safiirka Imaaraadka Sheekh Maxamed Talaadadii ku dhex maray Nairobi, ayaa waxaa Sharmaarke lagu wargaliyay inay ka baxeen Heshiiskii ka dhexeeyay.

Sheekh Maxamed Cismaan, ayaa Sharmaarke u sheegay in kulan dhexmaray Madaxda ugu sareysa Imaaraadka ay go’aan ku gaaren in dib loola laabto Heshiiska, waxa uuna Safiirka sabab uga dhigay 3 qodob ee uu ka laabtay Ra’isul wasaaraha.

Sheekh Maxamed Cismaan, waxa uu sidoo kale, sheegay in Taageerada ay lalaabteen ay ku bixin doonaan Musharax kale oo uusan sheegin, waxa uuna ka gaabsaday inuu ka faaloodo sababta.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa ku hanweynaa in Dowlada Imaaraadka ay gaarsiiso Madaxweyninimada dalka, waxaana iminka muuqaneysa in niyad jab weyn ay soo foodsaaray.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News