26.2 C
Mogadishu
Tuesday, January 13, 2026

Sawirro: Mid ka mid ah dalalka Africa oo lagu qabtay bariis caag ah

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Dowlada Nigeria ayaa gacanta ku dhigtay 2.5tan “bariis caag ah” oo gudaha dalkaasi ay soo galiyeen Ganacsato u dhalatay dalka.

Haruna Mamudu oo ah Madaxa laanta sharciyeynta alaabta dalkaasi la geliyo ayaa sheegay in baaritaan ay ku ogaaden Bariiska, waxa uuna farta ku goday in keenista Bariiska ay lahaayen Ganacsato.

Haruna Mamudu, wuxuu sheegay in la doonayay in bariiskaasi been abuurka ah lagu iibiyo suuqyada xilliga dabaaldegga.

Waxa uu sheegay in Bariiska Been abuurka ah uu waxbadan ka duwan yahay kan saxda ah, wuxuuna farta ku goday in marka lakariyo uu dhegdheg yeelanayo.

Bariiska waa mid ka mid ah cuntooyiinka sida weyn looga cuno dalkaasi Nigeria iyo inta badan qaaradda Afrika, maadaama uusan jirin feejignaan ay sameynayaan Dowlada iyo Hay’adaha amaanka.

Dowladda Nigeria ayaa shaybaar u dirtay bariiska si loo ogaado caagga rasmiga ah ee laga sameeyay.

- Advertisement -

Read more

Local News