Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa dib u dhac ku imaaday Doorashada Gudoonka Baarlamaanka cusub ee Somalia iyo Labadiisa ku-xigeen ee daadihin doona Baarlamaanka iminka xulistiisa ay soo idlaatay.
Hogaamiyayaasha Madasha Wadatashiga Qaran ayaa shirkii hore ku go’aamiyay in Doorashada Gudoonka Baarlamaanka ay dhici doonto 22-ka Bishan oo ku beegan maanta oo Khamiis ah.
Xildhibaanada Dooran lahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku-xigeenadiisa ayaa ku sugan Magaalada Muqdisho waxa ayna is weydiinayaan dib u dhaca maanta ku imaaday Doorashada, maadaama aan wali lagu wargalin go’aanka cusub ee Madasha oo aan wali la faafin.
Hogaamiyayaasha Madasha oo ku shirsan magaalada Muqdisho, ayaa isla gartay in Doorashadda Guddoonka Barlamaanka la qaban doono bisha January 5-da ee sannadka soo socda ee 2017-ka, halka Doorashadda Madaxweynaha la qaban doono isla bisha January 22-da ee sannadka soo socda, inkastoo aan wali la faafin qoraalka lagu dib dhigay Doorashada Guddoonka iyo Madaxweynaha.
Madasha Wadatashiga Qaran weli kama aysan hadlin Dib u dhaca ku yimid Doorashada Gudoonka Baarlamaanka iyo Labadiisa ku xigeen maadaama ay maanta ku beegan tahay wakhtiga la qabtay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

