29.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Xog: Jawaari ma is-sharxayaa mar kale?, maxayse uga dhigan tahay Shariif Xasan?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia ee uu Wakhtigiisu dhammaaday Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa bilaabay Tashkiilinta Xildhibaanada cusub ee iminka ku sugan magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Jawaari, oo kulamo hordhaca la qaatay qaar kamid ah Xildhibaanada ku sugan magaalada Muqdisho, ayaa ka dalbaday inay ku taageeran codka si mar kale uu ugu soo baxo Doorashada Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka, oo la sheegay inuu isku sharxayo.

Jawaari, ayaa Xildhibaanada uu la kulmay u sheegay inuu diyaar u yahay in waxbadan uu ka bedelo howlaha Baarlamaanka cusub, waxa uuna ku beer-laxawsaday inay doortan si uu usii dhaqaajiyo shaqooyinka harsan.

Nuqul kamid ah haddalka uu Jawaari u jeediyay Xildhibaanada oo Caasimada Online ay heshay ayaa waxaa kamid ahaa “Haddii aad i taageertan waxaan la imaan doonaa shaqooyin ka duwan kan uu qabtay Baarlamaanka dhacay, ma filaayo inuu jiro shaqsi kale oo aad dooran doontaan waayo waxaan hubaa in Codkiina aad igu saacidi doontaa maadaama uusan jirin shaqsi Khibrad u leh howsha Baarlamaaniga”

Jawaari waxa uu sidoo kale, Xildhibaanada u sameeyay Ballanqaad aan la shaacin waxa uu yahay, balse mid kamid ah Xildhibaanadaasi ayaa xaqiijiyay inuu jiro ballanqaad ay ku farxeen oo uu sameeyay Jawaari.

Haddii Jawaari uu ku guuleysto xilka guddoomiyaha baarlamanka waxay taasi meesha ka saari doontaa rajada Shariif Xasan ee ah inuu dalka madaxweyne ka noqdo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News