27.2 C
Mogadishu
Monday, June 15, 2026

Mucaaradka Somaliland oo soo jeediyey in lala midoobo Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaradka ee Waddani ee Somaliland, C/raxmaan C/llahi Maxamed “Cirro” ayaa shaaca ka qaaday inay suuragal tahay in lala midoobo Somalia inteeda kale.

Cirro, ayaa sheegay in qaabka ay ku socto Somaliland ay u muuqan doonto inay la midooban Somalia, waxa uuna tilmaamay inay beenoowi doonto go’aankii ahaa inay ka go’een Somalia inteeda kale.

Cirro, ayaa hadalkaasi sheegay kadib markii Hotelka Serena ee magaalladda Nairobi ay kuwada kulmeen Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid, iyadoo halkaasi looga wadahadlay sidii ay u midoobi lahaayeen Somalia iyo Somaliland.

Cumar C/rashiid iyo Guddoomiye Cirro ayaa dhinacyo badan uga wadahadlay kulankooda, waxaana soo baxday suuragalnimada in Somaliland ay dib ula midowdo Somalia inteeda kale.

Sidoo kale, Hogaamiye Cirro ayaa la sheegay in wixii ka danbeeyay la kulankiisa Ra’isul wasaaraha uu waxbadan iska bedelay Mowqifkiisa waxaana xusid mudan inuu ballanqaaday in Shacabka Somaliland laga dhaadhicin doono xaqiiqda jirta maadaama ay waxbadan isbedeleen.

Cirro waxa uu tilmaamay in Adduun weynaha ay ka waayen Ictiraaf waxa uuna carab dhabay in dal waliba ay kala kulmeen raja beel iyadoo lagu dhiirigaliyay inay la midooban Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Ra’isul wasaaraha iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ayaa ku ballamay kullan kale oo ay isku arki doonaan, si looga wadahadlo xaqiiqda taagan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News