Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa cabsi xoogan ka qabta in dowlada Soomaaliya go’aan ka qaadato joojinta Khaadka oo horey looga mamnuucay Soomaaliya muddo kooban.
Warbaahinta dalka Kenya ayaa shaaciyay in Kenya cabsi weyn ka qabto in dowlada Soomaaliya ay go’aan ka qaadato Jaadka ka yimaada dalka Kenya ee soo gala Soomaaliya.
Sarkaal Sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa u sheegay Wargeyska the Sunday in dowladda Kenya ay wali muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ku hayso dhibaatooyinkii ay ka mid yihiin dhanka duulimaadyada oo labada Madaxweyne ay horay isku Afgarteen in la fududeeyo.
Dowladda Soomaaliya ayaa fulisay heshiis ay la gaartay Kenya , waxaana ay xayiraadkii ka qaaday Qaadkii kaga imaan jiray dalka Kenya.
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dalka ,islamarkaana kasoo jeeda gobolka uu ka baxo Qaadka ayaa dowladda Kenya ugu baaqay in ay si deg deg u hirgeliso heshiiskii ay la gaartay dowladda Soomaaliya.
Waxa ay sheegeen hadii aysan dowladda Kenya hirgelin heshiiskaasi in ay suurta gal tahay in dowladda Soomaaliya ayaa xayiraad kusoo rogto Qaadka laga soo dhoofiyo dalka Kenya.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

