25.7 C
Mogadishu
Monday, June 15, 2026

Xog cusub: Ganacsato caan ah oo lacag u ururinaya Sheekh Shariif

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu dhaqaale culus ka heli doona Ganacsato caan ah oo ku dhaqan gudaha Somalia.

Sheekh Shariif ayaa la xaqiijiyay in dhaqaalahaasi uu ka gudoomi doono qaar kamid ah Milkiilayaasha shirkadaha Isgaarsiinta iyo dhowr Shirkado oo kale.

Dhaqaalahaani ayaa la tilmaamay in la amaahin doono Sheekh Shariif oo kamid ah Musharaxiinta, iyadoo ujeedka ay tahay inuu u adeegsado Doorashada fooda nagu soo heysa.

Sidoo kale, dhaqaalaha ay Ganacsatada amaahineyso Sheekh Shariif ayaa la xaqiijiyay inay kor u dhaafeyso 10 Milyan oo dollarka Mareykanka ah.

Tallaabadaani ayaa imaaneysa xili Musharaxiinta Madaxtinimada doonka ah ay ku howlan yihiin dhaqaale uruursi mudada ka harsan doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News