25.7 C
Mogadishu
Monday, June 15, 2026

Xeer ilaaliyihii maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland oo la dilay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in la dilay xeer ilaaliyihii maxkamada ciidamada ee Puntland.

C/kariin Xuseen Firdhiye, ayaa kooxo hubeysan waxaa la sheegay iney ku dileen magaalada Boosaaso ee gobolka Bari oo dhawaan dil uu ka dhacay.

Xubno ka tirsan laamaha caafimaadka ayaa xaqiijiyay in xeer ilaaliyaha lagu dilay magaalada Boosaaso uuna u dhintay dhaawac soo gaaray marka hore.

Ma jiro cid sheegatay masuuliyada dilka loo geystay xeer ilaaliyaha maxkamada ciidamada ee Puntland.

Ciidamada maamulka Puntland ayaa dilka ka dib baaritaano ka bilaabay xaafadaha magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, gaar ahaan xaafada uu dilka ka dhacay.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News