25.6 C
Mogadishu
Monday, June 15, 2026

Jawaari oo aan wali ka khuusan rajadiisa iyo odayaasha Beelaha oo uu hordhigay in…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa wali magaalada Muqdisho ka socda kulamo u dhexeeya Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo qaar kamid ah Odayaasha Beelaha ee soo xulay Xildhibaanada cusub.

Guddoomiye Jawaari ayaa Odayaasha kala hadlay qaabka ugu sahlan oo Xildhibaanada ay soo xuleen taageero ugu muujin lahaayen.

Guddoomiye Jawaari ayaa ku dhiiraday in Odayaasha uu u sharaxo qaabka ay ololihiisa u socdaan, waxa uuna u cadeeyay inuu yahay mid u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka cusub ee dhawaan dooran doona Madaxweynaha.

Jawaari waxa uu Odayaasha usoo bandhigay in Xildhibaanadooda ay ugu deeqan Codka waxa uuna ballanqaaday haddii uu kusoo baxo Guddoomiyenimada uu oofin doono ballanqaad gaara oo ay wadagaleen.

”Haddii aan kusoo baxo doorashada Axdigii nooyiilay halkiisa ayuu taagan yahay waxa aan xiligaani doonaayo waa inaan helaa Codka Xildhibaanada aad soo xusheen”

Sidoo kale, Jawaari waxa uu Odayaasha ku qanciyay in codadka uu u baahan yahay ay yihiin kuwo kooban, waxa uuna tilmaamay inay jiraan codad macquul ah oo uu heysto.

Odayaasha ayaa la xaqiijiyay inay aqbaleen in Xildhibaanadooda ay ku amraan inay doortaan Guddoomiye Jawaari, waxa ayna dhankooda ka ballanqaaden inay garabtaagan yihiin.

Docda kale, Kulanka Jawaari iyo Odayaasha ayaa kusoo beegmaaya xili maalin ka hor uu Guddoomiyaha kulamo la qaatay Xildhibaano farabadan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News