Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating, oo ka hadlaayay arrimaha Doorashooyinka ayaa dhaliilo adag u jeediyay tiro Musharaxiin ah oo la sheegay inaysan diyaar u aheyn Hogaaminta Somalia.
Michael Keating, ayaa tilmaamay in Musharaxiinta Madaxweynima doonka ah ay u badan yihiin kuwo ay ka muuqato itaal darri waxa uuna taa bedelkeeda sheegay inay u taagan yihiin raadinta magac.
Keating, waxa uu carab dhabay in Somalia ay u baahan tahay Madaxweyne tayo leh oo u qalma Hogaaminta Umadda Soomaaliyeed oo ay daahsadeen Colaado daba dheeraaday.
Musharaxiinta dhowr iyo tobanka ah ayuu sheegay in laga dhex heli doono 2 ilaa 3 Musharax oo tayo leh, halka tirada soo hartay ay yihiin kuwo aan hogaaminkarin Somalia.
Keating, ayaa ku baaqay in Xisbiyada iyo dhinacyada Siyaasada ku loolamaaya ay iska soo dhex xulaan Musharaxiin cadad yar oo isla markaana suuragalinkara Hogaaminta Somalia.
Haddalka Michael Keating, ayaa imaanaya iyadoo Musharaxiinta Madaxtinima doonka ah ay kor u dhaafayaan 20 Musharax oo aan miisaan laheyn.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

